Ku Soo dhowaada Kolleejka Sancada ee Hennepin!
Soodhowaada
Kolleejka Sancada ee Hennepin waxey xoogga saartay sidey ku abuuri
lahayd jawi waxbarasho ah ee ardada siiya awood ay dhinacooda wax ku
kordhiyaan mujtamaca maalinba maalinta ku xigta sii noqda mid leh
dhaqama kala duwan. Waxaan ardada waayaarignimada kala duwan ku
dhiirrigelineynaa iney isku soo qoraan HTC. Waxaan baalkaan ku
samaynay luqado kala duwan si dadka aan afkooda kobaad ahayn Ingiriisi
ay ka hawlbilaabaan HTC. Fadlan xasuuso: baalkaan waa mid hordhac ah;
maaha mid loogu talagalay inuu noqdo meesha ay wax bilayaan ardada
rabta iney kolleejkaan dhigtaan. Faahfaahin dheeraad ah ee ku taxluuqa
kolleejka, barnaamijyada iyo adeegyadaba waxaa laga helaa ayadoo
dugsiga la soo booqdo lalana kulmo lataliyaha dhaqamada duwan .
Waa Maxay Kolleejka Sancada ee Hennepin?
Kolleejka Sancada ee Hennepin waxey bixisaa waxbarasho tababar
toos leh ee lagu shaqadoonto. Kolleejku waxey bixisaa shahaadoyin aad
u kala duwan, warqado aqoonsi iyo taqasusyo xagga qaybaha sancada ah.
Kolleejka Sancada ee Hennepin waxey ku taala meelo dhow sida Brooklyn
Park iyo Eden Prairie. Si tifatiran u fiiri HTC
Maps and Locations page. Ardada waxey basaska ay dadka qaataan u
raaci karaan labada kulleejba key rabaan.
Kulleejka Sancada ee Hennepin waxey bixisaa 45
barnaamij ee laga helo manhajyadaan kala duwan:
Ganacsiga iyo Kombiyuutarka (Business and Computers)
Dhismaha iyo Guryaha (Construction and Building)
Dhirta iyo Aburista Geedaha (Floral and Landscaping)
Caafimaadka (Health)
Warshadaha iyo Elegtonikada (Manufacturing and Electronics)
Warbaahinta (Media Communications)
Adeegyada (Service)
Gaadiidka (Transportation)
Barnaamijyada laga bixiyo HTC waxaa caadi ahaan
lagu dhammeyn karaa laba sano ama ka yar. Ardada waxey aadi karaan si
buuxda, si nusan, ama maada ayey marba qaadan karaan. Fasallada waxaa
la qaataa dharaarta ama habeenka. Faahfaahinta barnaamijyada laga
bixiyo HTC, eeg (Qaybta Manhajyada iyo Xirfadaaha)
Majors and Courses section.
Kolleejku wuxuu rabaa iney ardada ku guuleystaan
duruustooda, sida awegeed HTC waxey dhamaan ardada oo idil ay qaataan
Imtixaamka Tijaabada. Imtixaamka Tijaabada maaha mid lagu dhacayo ama
lagu gudbayo. Waxaa lagu cabbiryaa imtixaamo asaasi ee xisaab iyo
laysliyo aqris ee kugu caawinaya inaad qaadatid fasallada kugu habboon
ay isleedahay waad la qabsan kartaa kulleejkana guul kaga gaartid.
Faahfaahin dheeraad ah booqo
Placement Testing page
(Imtixaamka Tijaabada). Kaddib markuu imtixaamka tijaabada
dhammeysto arday waliba wuxuu kulan la yeelanayaa lataliye. Lataliyaha
ayaa dib u eegaya natiijada imtixaamkaaga wuxuuna kaala hadlaya
waxbarashada iyo muraadkaaga. Waxey kaloo ku sheegayaan sida lagu helo
aqbaar ku saabsan adeegyada bilaashka ee waxbarashada kaa caawiya iyo
daryeelka Itaaldarrida, iyo xitaa ururada kala duwan ee ardada
student clubs and
organizations.
Waa sahlantahay si looga hawlbilaabo HTC.
Tillaaboyinkaan fudud raac:
- Weydiiso warqadaha aqbaarta
- Soo booqo rugta kulleejka
- Buuxi arjiga kulleejka lagu dhiganayo
- Dalbo Caawimaada Waxbarashada
- Dhigo ballan aad ku qaadatid imtixaamka tijaabada
- Kulan la yeelo lataliye
- Fasallada isku qor
Ardada Caalamka iyo kuwa Ingiriisiga baranaya
HTC waxey soo dhoweyneysaa ardada cusub iyo taransfeerka ee ka
socda caalamka. Hadda HTC waxaa dhigata arday ka socota 25 waddan oo
kala duwan. Meesha ay ardada caalamka ka heli karaan, iyo waxyaabaha
layska rabo waa ayaga oo eega internetka
International
Student Admissions Page.
HTC waxey bixisaa qorshaha ELL (Barashada Luqadda
Ingiriisiga). Qorshaha ELL waxey ardada ka caawineysaa daraasooyin
Ingiriisiga lagu barto iyo sidii loogu diyaarin majhadka iyo meelaha
ay danaha ka leeyihinn iney waxbarshadooda ku jeedo. Daraasooyinka
Waxbarashada Guud (General Education), Horumarinta (Developmental),
iyo ELL waxaa laga helaa baalka jadwalka fasallada
HTC Course Schedule Page.
Bixinta Qarashka Kulleejka
HTC waxey leedahay mid ka mid ah qarashka ugu jaban ee
waxbarashada ku kaca ee deegaanka iyo in kulleejku uu ardada u soo
bandhigo fursado badan oo laga caawiyo sidey kulleejka isaga bixin
lahaayeen. HTC waxey arday badan u fidisaa caawimaada waxbarashada,
deyn iyo deeq waxbarasho. Kulleejku wuxuu kaloo bixiyaa shaqo la
xiriirta waxbarashada taasoo u furan ardada raba iney ka shaqeeyaan
rugta ay kulleejku ku taallo inta asyan fasallada iska xaadirin ama
marka ay fasallada soo dhammeystaan.
HTC Financial Aid
(Deeqda Waxbarashada ee HTC) waxey kaloo bixisaa qorshe laysaga
bixiyo qiimaha waxbarashada. Haddaad su’aalo ku taxluuqa qarashka
waxbarashada, fursadaha lacag bixinta, ama qaannunnada la xiriira
bixinta biiilasha, fadlan soo booqo waaxda ah
Tuition and Fees area.
Isku Qorista Fasallada
Isku qorista fasallada waa mi fudud. Waxaan rabnaa inaan ku
caawino. Isku qorista fasallada waxaa lagu dhammeyn karaa internetka
ama haddey tahay markii kuugu horreysay ee aad kulleejka isku qoreysid,
waa inaad shaqsi ahaan aad isku soo xaadirisaa. Qaanuunnada la xiriira
isku qorista, qanuunnada iyo qaabka iyo aqbaarta ku taxluuqda
taariqaha isqorista, fadlan soo booqo interneta qeybta
HTC Registration area.
Haddaad u baahantahay aqbaaar dheeraad ee ku
taxluuqda kulleejka, fadlan na soo wac, waan rabnaa inaa ku cawiino.
Telefoonnada waaxyaha kala duwan hoos ayey ku yallaan.
| Waaxda |
Telefoon Nambarka |
| Baqshadda Codsiga Aqbaarta (BPC) |
763-488-2450 |
| Baqshadda Codsiga Aqbaarta (EPC) |
952-995-1452 |
| Ballamada Latalinta (BPC) |
763-488-2547 |
| Ballamada Latalinta (EPC) |
952-995-1450 |
| Imtixaamka Tijaabada (BPC and
EPC) |
952-995-1545 |
| Lataliyaha Dhaqamada kala Duwan
(BPC) |
763-488-2410 |
| Lataliyaha Dhaqamada kala Duwan
(EPC) |
952-995-1440 |
| Isqorista (BPC) |
763-488-2580 |
| Isqorista (EPC) |
952-995-1460 |
| Caawimaada Waxbarashada (BPC) |
763-488-2491 |
| Caawimaada Waxbarashada (EPC) |
952-995-1471 |
| Nambarka Telefoonka Dhexe |
952-995-1300 |
Ku soodhowaada Kulleejka Sancada ee Hennepin
Technical College waxaana diyaar la nahay adeegyo idinku caawiya wixii
aad waxbarashada uga baahantihiin.
Contact HTC at 952-995-1300 or
info@hennepintech.edu
Copyright © 2008 by Hennepin
Technical College
|